South Africa dal aan abaal laheyn
Asc dhamaan umada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Anigoo ah qoraaga maqaalkan waxaa igu kalifey in aan qoro kadib markii aan arkey dhibaatooyinka loo geysanyo dadkeyga ku dhaqan south afica misena ka xamaasaha halkaasi.
Sida aan lawada socono dadka soomaaliyeed waxey ahaayeen kuwa garab taagnaa markii dalka south Africa uu ki jirey gacanta gumeystaha, kuwaas oo la garab taagnaa wax walba oo ay awoodeen.
Dadka soomaaliyeed waxey ka damqadeen dhibaatada lagu hayey dalka south Africa waxey soo saareen heeso,gabayo, lagu dhiiri galinayo dadyowga south Africa in ay u midoobaan cadowgooda iyo in ay iska dulqaadaan gumeystaha,soomaaliya waxey taageera buuxda siisey dalka south Africa oo ma ahan mid qarsameyso waxaana ay ku xusan tahay taariikhda.
Waxaan filayaa in aan qalin kaliya lagu soo koobi Karin wax qabadkii dalka soomaaliya u sameeyey dalka south Africa ama dadaalkii uu dalka soomaaliya u galay sidii ay uga samata bixi lahaayeeen dhibaatooyinkii heystey dalka south Africa.
Laakiin aqristow waxaa wax lala yaabo ah in dal intaas oo abaal ah loo galay uu maanta abaalkaasi ka dhigo in uu ku badalo in uu waxyeeleeyo shacabkii wanaagaasi usameeyey, waxaan la yaabanahay in shacabka south Africa ay isku raaceen waxyeeleynta shacabka soomaaliyeed oo ah dad aan laheyn dowlad ka fikirta,oo ah dad aan heysan cid daryeesha ilaaheey ka sokow,oo ah shacab aan heysan cid usoo gurmato,oo ah shacab qaxooti ah oo dalkooda uga soo cararey dagaalo iyo nabad la aan kuwaas oo usoo martiyey dadyowga south Africa.
Sidoo kale waxaa nasiib daro ah in dadki abaalka kuu galay halkii aad ugu gudi laheyd abaalkoodii in aad marka ay kuu soo baahdaan ama ay kuu soo martiyaan aad kula dhaqaaqdo wax walba oo xun oo laga yaq yaqsoodo.
Dalka south Africa dadkiisa waa dad fuliyiin ah waxaan ula jeedaa dunida aan ku dulnool nahay ma jiro qof bini aadam ah oo qof la mid ah in uu dhagax ku dilo u quuro,laakiin dadyowga south Africa waan aragney in abaalkii aan u galney ay noogu badaleen ficilo wuxuushnimo ah oo qof sameyn karo aan filayo in uu dunida joogin.
Ka qoraa ahaan waxaan filayaa in dad badan oo aan ka mid ahey ay ilmeeyeen markii ay arkeen sawiro muujinayo sida dhagax loogu dilayo walaalkeen,oo aan isku dhiif nahay, oo aan isku diin nahay,iyo waliba aan isku af nahay.
Dhibaatooyinka dadyowga south Africa ay ku hayaan dadkeena soomaaliyeed ma ahan kuwa bilawdey xilli dhow, waa mid in mudo ah soo jiitameysey, laakiin taariikhda laguma hayo in qof dhagax lagu dilo, waxaan la yaabanahay sababta ay shacabka south Africa isugu raaceen xumaanta intaa la eg, misena looga waayey qof iyaga ka mid ah oo ka dhiidhiya waxa ay walaalahooda geysanayaan.
Wiilkaasi dhiigeena ah misena dhagax lagu diley marka hore waa shahiid insha allaah waxaan u rajeynayaa janada in uu galo laakiin aan isweydiino halkaasi maxaa geeyey?, jawaabta su aashaasi waa in uu raadsadey nolol dhaanta mida uu ka heli karo wadankiisa hooyo ,haduu heysan lahaa waxbarasho ama shaqo ma uusan utageen bahaladaasi aan damiir iyo bini aadinimo toona laheyn.
Waxaan hubaa hadii qof kaasi dhagax lagu diley uu ahaan lahaa qof ka soo jeedo wadan kale in qofkaasi uu heli lahaa cid u dooda ama ka damqada laakiin waxaa nasiib daro ah in walaalkeen oo misena ah dhiigeena uusan heysan dowlad u dhicin karto dhiigiisa maxaa yeeley waxaan nahay agooma aan heysan alle ka sokowcid u gar gaarta ama xaqooda usoo dhicisa.
Dadyowga south Africa waligeen ma hilmaami doono xumaanta ay nagu sameeyeen iyo sida ay noo bah dileen, laakiin adduun waa harka labadiisa galin, shalay anagoo dowlad weyn ah oo dhinac walba ka dhisan waan garab istaagney oo waan u gargaarney oo waxaan tari karney waan tarney, laakiin maanta oo aan nahay dad ay dhibaateeyeen dagaalo sokeeye oo aan u martiney waxey nagu marti sooreen in ay na dilaan, oo ay na dhacaan oo ay nagula kacaan xumaato walbo laakiin waxaa jiri doonto maalin aan cagaheena isku taagi doono haduu alaah ka raali noqdo markaas ayaan walaalalaheena la dhibaateeyey u aargudo doonaa waxa ay rabto hanagu qaadatee.
Aniga ka qoraa ahaan waxaan is leeyahay anagaa is dhigney hadaan nahay soomaaliya meesha aan taaganahay maxaa yeeley hadaan tashan laheyn, oo aan midioobi laheyn , dhibaatooyinkan iyo wax la mid ah naguma dhaceen, laakiin anaga ayaa iska dhiganey dhexdeena cadow,oo aan isku diidney in aan sameysano wado noolaasho maadaaama aan nahay walaalo aan sinaba u kala maarmin, oo isku baahan oo is caawiya dhexdooda oo aan cidna ka sugin in ay wax noo qabtaan.
Waxaan ugu baaqayaa madaxdeena in ay wado walba u maraan sidii aan ku soo ceshan laheyn sumcadeenii burburtey iyo sidii aan isku caawin laheyn dhexdeena,oo aan u noqon laheyn dadyow horumara oo asaagooda wax la qaybsada.
Waxaan filayaa waxaa dhibatooyinkaan noo keeney in ay tahay qabyaalada oo nagu hogaamisey halka aan taaganahay , moraka qof walba oo soomaali ah wuu ka dheregsan yahay dhagarta qabyaalada in aysan faa ido laheyn waxey dumiso mooyaane waana tan ka dhigtey muraayadii dalkeena meel lama degaan ah.
Waxaan ugu baaqayaa odoyaasha dhaqanka in ay naga daayaan ku hogaaminta qabyaalada maxaa yeley ayaga ayaa na dhigey halka aan taaganahay, waxaan ka codsanayaa in ay noogu badalaan ka shaqeynta midnimadeena iyo wada jirkeena.
Waxaa sidoo kale jira dad ay qabyaaladu ku cususb tahay oo mooda in faa ido leedahay laakiin waxaa casahar inoogu filan waxa ay noo geysatey , dadkaasi waxaan ka rajeynayaa in ay ka waan toobaan waxaasi foolxumada ah.
Geba gabadii maqaalka waxaan allaah ka baryayaa in uu noo soo celiyo sumcadeeena iyo wada jirkeena uuna naga dulqaado musibada na habsatey. Sidoo kale waxaan rajeynayaa in aan noqono dad caqligooda isticmaala oo aan ka shaqeyno sidii aan ku gaari laheyn horumar buuxa iyo dowladnimo .
Dadka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan u rajeynayaa barwaaqo iyo horumar in ay ku talaabsadaan,soomaaliya ha noolaato.
Waxaa diyaariyey:mowliid c/rashiid
Email:mowliid999@hotmail.com,saakow143@gmail.com