Degmada Saakow waxay kamid tahay degmooyinka Gobolka J/Dhexe koonfurta dalka Soomaaliya, waxay deris la tahay:-

Waqooyi waxaa ka xiga …….Baardheere
Koonfur waxaa ka xiga……….Bu`aale
Bari waxaa ka xiga ……….Diinsoor
Galbeed waxaa ka xiga………Wajeer-boor “Kenya”

Joqraafiga degmada Saakow: Saakow waxay ku taalaa Dhanka Koonfureed ee dalka Soomaaliya waxayna ku taal dhanka bari ee Webiga Jubba, waxay ku taalaa dhul carro guduud ah waxaana mara togag biyaha ku shuba Webiga Jubba cilimada waxay la wagaagtaa middda Bu`aale oo ay isku jiraan 55KM.

Tirada dadka ku dhaqan degmada Saakow waxaa lagu qiyaasaa illaa 100.000 qof, waxaana hoos yimaada in ka badan 90 tuulo oo waaweyn iyo yaryarba isugu jira waxaana ka mid ah:-

Saakow-yareey, Arbaay, Gurmayso, birbiriso, buulo batuulo, neefsooy, Qaboobe, Kobban, Weel-Kobban, Laweyti-bari, Buulo-Qansax, Dag-gomor, Baarka Muumin Dhoorow, Hilo Adhi, Garas-Uusle, Gurbaan, Baladhoose, Buulo Cadeey, Kotey, Towsi, Gomoreey, Galgal-oonle, Fiinkaaweeray.

Xasan-Koorey, Qayd Cajuuso, bagadeey, Gaduudeey, Goomir, banada”Jawaareey”, furso yareey iyo furso weyn, asharowliisaan, asharoow walmage, aliyow-keerow, aliyow arbo,.

Nus-duniya, Qataa-qori, reebaay, kunlamaal, kaharoow, kurusoow, buulo qansax, buulo-Daarood, basra, kuraawe, warguduudo, awjeelow.

Maamulka degmada Saakow ayaa ah Cabdow Duubaay halka uu Guddoomiye xigeen ka yahay C/Qaadir Guudle.

Odayaasha deegfaankaas ayaa waxaa kamid ah Sheekh maxamed Cabdi Salaam, Sheekh Xuseen Colow, Cali Shuuriye “Cali waasow”, Aaden Garoore, Duq Laabane, Nuunow huud dhaqane, Aadan asaraar, malaaq mursal, malaaq Geedow mad balash, A/nuur Abdiyow, mad keerow, maxamed Isaaq, Ibraahim Macalin, C/laahi muxumed.

Degmadan waa beeraley waxayna ka mid tahay degmooyinka sida aadka ah ugu fiican waxsoosaarka waxaa ka baxa noocyada dalaga ee kala duwan sida:

Galey, Moordi, Sinsin, Digir, babaay, yaanyo, cambaha, liinta, basasha, iyo noocyo kale oo khudaarta ka mid ah.

Q:- Cabdi Ibraahim Magan
Cirjiir@hotmail.com