asc dhamaan umada soomaaliyeed meel walba oo ay dunifa ka joogaan.

Waxaan jecleystey in aan idinla wadaago fikirkeyga ku aadan meesha nalaga heysto ama aan isleeyahay in uu khalad ka jiro.

Soomaaliya waa dalka kaliya oo aan laheyn dowlad dhexe marka loo eego dunida inteeda kale, isla markaana ah dal inbadan uu ka jirey gadaal sokeeye ha ahaado m id ku saleysan qabyaalad ama diin,shacabkiisuna inbadan ay ku jireen nolol aad u xun iyo dhibaatooyin aan halkaa lagu soo koobi karin.

Markaan inbadan qiimeeyey xaalada dalkeena ka jirto iyo dunida inteeda kale waxaan xitaa ku fikirey in soomaaliya iyo dunida inteeda kale ku kala nool yihiin labo adduun oo kala duwan sababta aan ugu maleeyey waxey tahay sida wadamadaas au ugu firfircoon yihiin horumarka dalkooda iyo dadkooda iyo sida aan anaga ugu fikireyno dhagar, xumaato aan umaleegeyno shacabkeena masaakiinta ah.

Marka ka qoraa ahaan waxaan isleeyahay waxaa jiro khaladaad fara badan oo aan sameyneyno iyo dembiyo aan geysabeyno oo aan aaminsanahay haddii aan la sixin in dhibkaan aan laga baxeynin.

Soomaaliya waxey aheyd dal sumcad,xushmad iyo qadarin ku leh dunida inteeda kale, soomaaliya waxey ka mid aheyd dalalka ugu horumarsan wadamada qaarada africa laakiin sumcadii iyo magacii aan ku laheyn dunida waxaa layaab leh in aan anaga burburino oo aan waliba gacmaheena ku burburino dunida ay raali ka aheyd danahey doonaan haka lahaadeen dalka soomaaliya.

Marka aan usoo laabto dulucda qoraalkeyga waxaan rabaa in aan hal ama labo ka iraahdo waxyaabaha naga khaldan oo aan isleeyahay waxey ubaahan yihiin in la saxo ee akhristow aragaaga i amaahi adigoo mahadsan.

Marka hore khaladka ugu weyn waxaan ka galney allaah swc maxaa yeeley waxaan ku caasiney kitaabkiisa oo aan ka leexaney waxa uu nafarey oo ah in aan xumaanto reebno samaantana farno laakiin dadka soomaaliyeed waxey qaadeen wadada xun oo ah in xumaanta la faafiyo marka khaladka aan allaah swc ka galney ayaa gundhig u ah burburka soomaaliya.Waxaa jiro labao shey oo aan isleeyahay waaa waxa nagu sii hogaaminaayo mugdiga noona diidan in aan markale lugaheena isku taagno soona ceshano sharafkii iyo magacii aan ku laheyn  dunida iskana badalno sharaf darada iyo magac xumada nagu habsatey noona horseedey in aan wax laqeybsan weyno asaageena kana takooranno dunida inteeda kale.

Labada qodob ee aan isleeyahay waa gundhiga burburka dalkeena soomaaliya waxey kala yihiin.

1)Qabyaalad.

Sida qof waliba oo soomaali ah uu ka warqabo dhibaatada ugu weyn ee ku habsatey dalkeena waxaa sabab u ah qabyaalada oo aan ku kala qeybsaney, isku dilney,isla markaana xumaan walba aan drteeda u sameyney isla markaana naga hor istaagtey wax walba oo wanaag ah, horumar ah oo aan ku tiigsan laheyn in aan kula tartano asaageena.

Qabyaalada waxey noo noqotey shey aan u laabano marka ay dhibaato na qabsato isla markaana iskula dirirno oo aan isku leyno waxaa wax lala yaabo ah in anagoo allaah uu nasiiyey kitaab koobayo wax walba oo waliba ay ku qoran tahay xalka dhibaatada nagu habsatey in aan inkirno waliba anagoo ah dad islaam ah una cararno qabyaalad iyo qurunkeeda.

Waxaan usoo joogey dhacdooyin amakaag leh oo aan filayo in qof damiir leh uusan sameyn karin qabyaalada waxey naga dhigtey kuwa ka indhola xaqa iyo cadaalada tusaale, haddii uu qof wax dilo dembigaas uu geystey halkii lagu qaadi lahaa waxaa la yaab leh in odayaashii gacan ku dhiig laha ay saftaan oo ay af iyo adinba ku difaacaan taas oo ay ka dhalatey fitno fara badan.

Waxaan aaminsanahay in qabyaalada aytahay mida uhu horeysa oo na dhigtey meesha aan taaganahay noona horseedey sumcad darada nagau habsatey oo ilaa iyo hada aan garan la nahay in aan ka waantowno ka qoraa ahaan haddii qabyaalada ay ahaan laheyd qof nini aadam ah aniga ayaa igi horeyn lahaa qof toogto sababtoo ah ciilka aan u qabo ayaa badan.

2)Cadaalad daro.

Sisa uu qof waliba la socdo cadaalada waa gundhiga horumar walba, iyo wanaag walba haddii aysan cadaalada jirin nolol majirto qofka bini aadamka ah waxa uu u baahan yahay in uu helo cadaalad, haddii uusan helin noloshiisa noloshiisa mugdi ayey galeysaa.

Dalka soomaaliya qodobka labaad oo ay fahmi waayeen in ay ku dhaqmaan waa cadaalad oo markii aan ka soo horjeesaney aan noqoney kuwa magax xumo iyo horumar la aan ku habsatey waxa awax lala yaabo ah in cadaalada ay ka tahay soomaaliya wax xun  oo dagaal lagula jiro cadaalada waxa ay shacabka dhexdiisa ka noqotey dambiile ama wax xun oo qofkii afkiisa lafa maqlo lagu qoslaayo.

Cadaalad darada waxey gaartey heer dastuurkeena lagu qoro oo la leeyahay waa sharci, tusaale waxaa kuugu filan in la leeyahay beel ayaa bar ah ama waxa ay ugu yeeraan(.5) waxaas waa cadaalad daro beelaha soomaaliya waa walaalo waa ay siman yihiin majirto beel beel ka sumcad fiican majirto beel beel ka liidato marka hore shacabka inta lagaarin dowladda waa in ay sameysaa cadalaad waa in lasmeeyaa sinaan beelaha dhexdooda ah, markaad kadib cadaalada waa ay ku faafeysaa bulshada dhexdeeda, laakiin inta dowladda oo ah hormuudka bulshada ay leedahay beel ayaa sareyso ama beel ayaa beel ka liidato cadaalad darada soomaaliya kama dhamaaneyso, soomaaliyana waxey kaga bixi kartaa dhibaatada in la helo cadaalad iyo sinaan bulshada dhexdeeda ah.

Geba gebadii qormadeyda umada soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay ka waan toobaan qabyaalada ayna eegaan dhibaatadii ay noo geysatey oo ay noo noqoto cashar xumaatadii ay dhexdeena ku abuurtey,sidoo kale waxaan ku boorinayaa in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa cadaalad ka hirgasho dalkeena, waxaan leeyahay aan u laabano kitaabka allaah iyo sunada nebigeena muxamed(csw) haddii intaas nalaga helo insha allaah dib ayaan usoo ceshan doonaa sumcadeenii iy sharafteenii aan ku lahaan jirney dunida.

waxaa qorey:Mowliid c/rashiid  axmed.

email:saakow143@gmail.com